Home Afsomali Dowladda oo ku hanjabtay in Ciqaab adag la marsiinayo Ciddii la shaqeysa...

Dowladda oo ku hanjabtay in Ciqaab adag la marsiinayo Ciddii la shaqeysa Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo lagu helo in ay la shaqeyso ama garab u noqota kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay in ciqaab adag marsiiso dadka garabka siiya Al Shabaab, waxa uuna dadka uga digay in ay ka feejignaadaan dhagarta kooxdaasi.

”Dawladda, waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano Dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mahadsan.” ayuu yiri Al Cadaalada.

Hadalkan adag ee kasoo yeeray wasiirka ayaa imaanaya xilli saakay magaalada Muqdisho lagu toogtay saddex nin oo labo kamid ah ahaayeen saraakiil katirsanaa ciidanka dowladda, kuwaa oo si hoose ula shaqeenayay kooxda Al Shabaab qaraxyana u fududeeyay.

Previous articleWeerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya
Next articleRa’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u duulay magaalada Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.