Home Afsomali Kenya oo duqeysay qeybo ka mid ah ciida Somalia

Kenya oo duqeysay qeybo ka mid ah ciida Somalia

Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Kenya ayaa duqaymo aan loo meel dayin xalay ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Degaananadda ay duqeeyeen Diyaaradaha Dagaalka kenya waxa ay kala yihiin Ceelcade, buusaar, Dhaso, likooley iyo Garsaal kuwaas oo dhammaantood ka tirsan gobolka Geddo.

Ilaa iyo hadda lama helin Faah-faahin dheeraad ah oo ku aadan duqeeymaha ay geeysteen diyaaradaha dagaalka kenya iyo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeeymaha, inkastoo xogaha qaar ay shegayaan in ay jiraan khasaaro kala duwan oo dadka degaanadaasi soo gaaray.

Arintaan ayaa imaaneyso xili shalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Tarsan uu isagga baxay kulan casumaad ah oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata usameeyey safiirada dalkiisa kusugan, ka dib markii ay Dawladda Kenya kulanka kucasuntay xubno kasocda Somaliland, una aqoonsatay Safiirnimo, sidaas oo kalena lays bar-bardhigay Kuraasta ay fariisanayaan labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya oo arinkaas ka catootay ayaa Safarada Soomaaliya ee Dalka Kenya waxa ay warqad dacwa ah u dirtay Kenya waxaa ay ku eedeeysay in ay  ku Xadgudubtay Madax Banaanida Soomaaliya,

waxaana ugu danbeyn Dowladda Kenya ay raali gelin ka bixisay ficilada ay sameeysay iyadoona sheegtay in Kenya ay qadarrin u heyso qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliya, Waxeyna ka cudurtaarteen joogitaanka wakiilada Somaliland ee Nairobi

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.