Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka heysta Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya ay Viisaha ka qaadan karaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay Diyaaradaha Rakaabka ah in cid kasta oo howl Diblomaasiyadeed oo Soomaali ah, gaar ahaan Dublamaasiyiinta, Senatarada iyo Mas’uuliyiinta kale ay fiisaha ku qaadan doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiiskii bishii July ay wada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.