Home Afsomali Kenya oo fududeysay dal ku galka Diblomaasiyiinta Somalida

Kenya oo fududeysay dal ku galka Diblomaasiyiinta Somalida

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka heysta Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya ay Viisaha ka qaadan karaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay Diyaaradaha Rakaabka ah in cid kasta oo howl Diblomaasiyadeed oo Soomaali ah, gaar ahaan Dublamaasiyiinta, Senatarada iyo Mas’uuliyiinta kale ay fiisaha ku qaadan doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiiskii bishii July ay wada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Previous articleAl-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Ay Ciidamada ATMIS Ay Ku Leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose
Next articleCarruur walaalo ah oo miino kula qaraxday gobolka Togdheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.