Home Afsomali kenya oo ganacsato Soomaaliyeed ku eedeysay in ay Bariis dhacay taariikhda ka...

kenya oo ganacsato Soomaaliyeed ku eedeysay in ay Bariis dhacay taariikhda ka badaleen si loo kala iibsado

Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay qabteen Raashin dhacay oo la sheegay in ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Saraakiisha ayaa ku eedeeyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay taariikhda ka badaleen Bariis ka dib markii ay arkeen in uu dhacaayo.

Waxaa ay sheegeen Loorarka Bariiska ku qornaa in uu dhacayo bisha September ee sanadkii hore ee 2017-ka, balse ay ganacsatada u bedeleen in uu dhici doono bisha September ee sanadkan 2018-ka.

Waxaa la sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed Bakhaaro waaweyn oo lagu keydiyo raashinka ku leeyihiin magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

“Waxaan gacanta ku dhignay Bariis dhacay oo la doonaayay in lagu qaldo Shacabka, waxaana Waaxda Baarista ay inoo sheegeen in ay leeyihiin Ganacsato Soomaliyeed ” Sidaasi waxaa yiri taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Mombasa.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale la qabto raashin laga badalay taariikhda, dowladda Soomaaliya oo ayaa sidan oo kale marar badan oo hore soo bandhigtay raashin iyo dawo dhacday oo ay dalka soo galiyeen ganacsato Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.