Home Afsomali Kenya oo go’aansatay in gabi ahaanba isaga baxdo dacwadadii kala dhaxaysay Somalia...

Kenya oo go’aansatay in gabi ahaanba isaga baxdo dacwadadii kala dhaxaysay Somalia ee Kiiska Badda Ee ICJ

Wararka naga soo gaaraya Kenya ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay ka laabatay Kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo haatan dacwaddiisu ay hortaallo Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Kenya oo horay u dalbatay in dib loo dhigo kiiskan, si ay u qoroto Qareeno cusub ayaa lagu soo warramayaa inay hadda go’aansatay in gabi ahaan ay isaga baxdo kiiskaasi.

Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo soo jiitameysay ayaa khilaaf ka dhex dhalisay Madaxweyne Uhuru iyo wasiiradiisa arrimaha dibadda Munica Juma.

ICJ ayaa lagu wadaa inay dib u furto kiiskan 4-ta bisha November ee dhammaadka Sanadkan 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.