Xogta ayaa sheegaysa in dowladda Kenya ay hadda dooneyso iney xoojiso ciidamada ka jooga Soomaaliya walibana tiro aad u badan kusoo darto.
Ulajeedka ciidamadan ayaa lagu sheegayaa iney tahay sidii ay Kenya u xoojin lahayd boobka ay ku hayso dhulka Soomaaliya, iyadoo ciidamadan la geyn doono dhanka Gedo oo boobka ugu xooggan uu ka soconayo.
Ciidamadan ayaa waxay caawin doonan shaqaalaha Kenya usoo dirtay Xuduudda kuwaasi oo weli dhismaha wada, waxaana ay gudaha usoo geli doonaan magaalooyin dalka kamid ah.
Kenya ayaa si ay u xalaleysato Badda Soomaaliya waxay soo durkisay calaamadihii xuduudda ee rasmiga ahaaa, waxaana ay qabsadeen meello kamid ah B/xaawo.