Home Afsomali VIDEO Muqdisho Aabe Magafe wiil ka heysto oo codsaday in wiilkiisa loo...

VIDEO Muqdisho Aabe Magafe wiil ka heysto oo codsaday in wiilkiisa loo gurmado

Aabe Cabdijabaar Cali Ibraahim  oo dhalay wiil madaxfurasho loogu heysto dalka liibiya looguna hanjabay in wiilkiisa la dili doono ayaa codsaday in bulshada soomaliyeed ka qeybqaataan sidii looga sii deyn lahaa gafayaasha dhaqaalaha u heysta

Cabdijabaar Cali Ibraahim oo Wareysi gaar ah siiyey eryal Tv xafiiska uu ku leyahay Magaalada Muqdisho  ayaa sheegey in wiilkiisu ka baxsaday isaga oo marki danbana si tahriib ah ku galay dalka Liibiye

wuxuuna daanayo in  uu bada miditareriyeenka uga gudbo qaarada yurub hase yeeshee waxaa loo soo sheegay in uu wiilkiisa u u gacan galay koox burcad ah oo tahriibayaasha madaxfurasho u qabsatay

aabahaan ayaa sheegay in talephonka looga hanjabay lagana dalbaday in u bixiyo  8 kun oo doolar hadii kalena wiilkiisu uu la kulmi doono dhibaatoo intaa ka baaxad weyn

Cabdijabaar Cali oo ka walaacsan arinta wiilkisa la soo gudboonaatay ayaa Eryal tv uga waramay wixii qabsaday wiilkiisa wuxuuna xusay in aanu awoodi qarashka laga dalbaday sidaa darteedna u soo bandhigay kana codsay Bulshada Soomaaliyeed sida hay.adaha dowlada iyo kuwa aan dowliga ahayen ganacsatada maalqabeenada iyo cidkasta oo wax ka furdaamin karta in ay isaga  la soo xariiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.