Home Afsomali Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray xoogagga macaawiisleyda & Al-Shabaab

Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray xoogagga macaawiisleyda & Al-Shabaab

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Dagaalo Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Macaawisleyda iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa ka dhacay Galbeedka Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay  kadib markii xoogaga macaawiisleyda ay weerareen degaano ay Galbeedka Beledweyne kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka Ciidamada macaawiisleyda Maxamed Sheekh Salaad ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, balse dhankooda uu jiro khasaaro dhaawac ah, isla markaana ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay xoogagga macaawiisleyda ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada xoogagga Macaawiisleyda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.