#KHEYRE WAA WIIL HOOG SOO DAAHAY ✔
1. Kheyre iyo Maryan Qaasim waa is qabteen Maryan Qaasim waa tagtay iyadoo Ceeb weyn ay raacday oo Culumadii xitaa kashifeen.
2. Kheyre wuxuu qoonsaday Wasiiradii Habeenkii aan seexan jirin Calashaan … ee Subaxdii Hurdada ku daahi jireen oo aan soo Shaqa tagi jirin ee Yusuf Garaad iyo Abdi Farah Saeed “Juxa” iyagoo Hurdaayeey ayuu eryay.
3. Kheyre iyo Walaalkeen Thabit Ab ayaa is qabteen Thabit ayaa is-jiid badan go’aansaday inuu Dalka dib uusan u celin oo ogolaaday Xil ka qaadistii Madaxweynaha ku sameeyay kadibna si Sharaf leh ayuu u tagay.
4. Kheyre iyo Madaxweynihii HirShabeelle Ali A. Osoble ayaa is qabteen kadibna Cosoble ayaa maalin cad Barlamaankiisa eryeen sidaasna ku tagay.
5. Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Nabadoon Xaaf ayaa is qabteen Xaaf sii loo jiid jiidaaye waxaa laga keenay waa kar karay ee ii duceeya ugu dambeyntii qof un baa ducadiisa ALLE SW aqbalay, hadda Kheyre iyo Xaaf waa Far iyo Faraanti oo maalintii 3 jeer ka badan ayay is maqlaan Telefoonka Wiil iyo Waalidkiisa weeye.
6. Kheyre iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa is qabteen sidii la isku jiid jiidaye ma aqaan waxa uu Shariifka Akhristaye ugu dambeyn waa la dhameeyay oo Rag aan ogahay ayaa gartooda galay maanta waa Saaxiibo isku aragti ah.
7. Kheyre iyo Ex-Guddoomiye Jawaari ayaa is qabteen kadibna Jawaari waxaa laga keenay Ra’iisul wasaare Kheyre waa nin fiican oo Shaqo yaqaan ah oo Dowladnimada jecel, wuuna iscasilay isagoo garowsaday inuusan Wiil Hoogaan u babac dhigo karin dhan kasta.
Saaxiibkeey Fanaan/Majaajiliiste Abuukar Sayid Ali (JAAJUUMOOW) ayaa hore u yidhi “Kheyre waa Guy soo daahay” Xalay oo aan Sweden isagoo jooga kala hadlayna waxuu Jaajuumoow ii sheegay in Kheyre muddo badan Soomaali sugaysay oo uu gacan u taagay nin go’aan lehna uu yahay RW Kheyre.
Haddaba Soomaaliyeey 🇸🇴 #Hala Kheyreysto ILAAH BAA KHEYRE NOO SOO DIRAYE 🔝☑