Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saaka u ambabaxay Addis Ababa. Waxay kulamo la yeelan doonaan madaxda dalka Ethiopia.
Khayre ayaa uluma gaar gaar ah oo loogu arinsanayo xiriirka lawada dal waxa uu layeelan doona hogaanka ugu sareeya dalka Itoobiya.
xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya muddo Qarniyaal ah waxaa ka dhaxeysay Cadowtooyo fog oo xiriir laleh dhanka xuduudaha, ayada oo aad loo ogson yahay lawada dhinacba in ay wada galeen dagaalo Qaraar, balse Hogaanka dowladeed iminka dhisan ee uu hogaamiyo Madaxweyn Farmaajo waxa ay si dabacsan ulla fal gashaa Itoobiya ayada oo dhanka dalkaasi la sheegay in Xukumadda Abiii Axmed ay waxbadani ka badashay hanaankii siyaasadeed ee ay kuwa jihi jirtay Soomaaliya.
Waxaa laga dhur sugaaya Natiijada rasmiga ah ee safarka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre