Home Afsomali Khubaro dhaqaale oo faallo kooban ka bixinaya Qalabka Cusub ee Wasaaradda Maaliyaddu...

Khubaro dhaqaale oo faallo kooban ka bixinaya Qalabka Cusub ee Wasaaradda Maaliyaddu ku soo kordhisay Waddanka.

Waxa Wasiirka wasaaradda Maaaliyaddu maanta oo 28ka bisha 8aad ah ay soo bandhigtay qalab ay sheegtay in la dhigi doono meheradaha waddanka oo lagu qaadayo cashuuraha. Qalabkaasoo iib walba oo la sameeyo boqolkiiba shan u qoondeyn doona Cashuur ahaan.

 

Waxa haddaba khubarada culuumta dhaqaaluhu isweydiinayaan, waa maxay faaiidada iyo khasaaraha qalabkan, habkeese habboon in loo raaco.

 

Iyadoo la ogyahay in ay aad u fiican tahay in cashuuro u soo xeroodaan dawladda oo horumarkeennu ku dhisan yahay, waxa tan ka horreeya arrimo badan oo jabinaya go’aankan qalabka

 

    Waxa la wada ogsoon yahay in sicirbararku uu sannadkan 2017ka uu ka badnaa 10kii sano ee la soo dhaafay marka la isku daro, taasoo keentay in maceeshaddii circa isku shareerto, sarrifkii dollarkuna uu ka kaco 6000 oo Shilin oo manta 10,000 uu marayo.

    Waxa la wada ogsoon yahay in lacagta lagu kordhiyo meheradaha ay dhamaantood ku sii kordhinayaan ummada. Meherad kasta oo lacag lagu kordhiyaa waxay ka sii qaadaysaa macmiisheeda, taas oo sii kordhinaysa sicir bararka.

    Waxa la wada ogsoon yahay in maceeshaddan cashuurta la saarayo marka horeba cashuuraheeda laga qaado dekedaha hadday tahay shidaal iyo hadday tahay wax kale oo la soo dejiyo maadaama oo dadkeennu wax walba soo dejiyaan oo dalka waxba lagu samayn.

 

Intaas aynu kor ku soo sheegnay waxa ka sii muhimsan arrintan waxa ay mudnayd in muddo sannado ah laga soo shaqeeyo iyadoo la kaashanayo bulshada meheradlayaasha baadhitaanno iyo warbixinno badan laga soo diyaarinayo habka ay u suurto galayso iyo cashuuraha ay beddelayso (haddii ay dhacayso in loo baahdo). Waxa xusid mudan in dalalka caalamka ee inala midka ah aanay lahayn qalab inta la iska keeno la yidhaahdo waxaan ku xidhaynaa meheradaha si aan u ogaanno waxa soo galaya. Arrinta GST ama cashuurta iibka ayaa waxa ay u baahan tahay in laga baaraan dego oo loo igmado khubaradeeda, taasoo qaadata ugu yaraan 5sano. 

Waxaan wasiirka kula talinaynaa haddaan nahay khubarada dhaqaale ee dallkan dibadda u jooga in arrintan dib loogu noqdo oo baadhitaan dheeraada lagu sameeyo halkii aad sicir bararka aad waxba ka qaban weyday sii kordhi lahaa.

 

Wabillahi Tawfiiq

 

Jama Osman,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.