Home Afsomali Kolonyo katirsan Ciidamada Kenya oo ku joray Biyo dhaamin ayaa lala...

Kolonyo katirsan Ciidamada Kenya oo ku joray Biyo dhaamin ayaa lala eegtay qarax weyn oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa Kolonyo katirsan Ciidamada Kenya waxaa lagula eegtay degaan katirsan Gobolada Jubbada Hoose, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM ayaa qaraxa lagu weeraray xilli ay marayeen inta u dhaxaysa xerada Koodi iyo Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxa uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya.

Ciidamada ayaa xilliga la qarxinayay ku guda jiray howlo biyo-dhaamin ah, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxa ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya balse aysan biixn faah faahino intaasi dheeraad ah.

Warark ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Kenya ay socdaalkoodii ay iska sii wateen, kadib howlgallo miino baaris ah oo ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa xerada Koodi iyo Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose oo ah halka qaraxa lagula beegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.