Home Afsomali Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo diyaarad ku tagay...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo diyaarad ku tagay Dagmada Baraawe

Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa markii ugu horeysay,isaga oo Madaxwyene ah wax auu tegay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa safarkiisa ku wehliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye,Xildhibanao iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Baraawe ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxwyene laftagareen.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Madaxweynaha uu Maamulka iyo Bulshada kala hadli doonaa sida ay suurtagal ku nooqn karto in Maamulku uu Baraawe usoo giiro.

Amniga degmada Baraawe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waana safarkii labaad ee uu Baydhjabo uga baxo Madaxweyne lafgareen,waxaana safarkiisii ugu horeeyay uu ku tegay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.