Home Afsomali Kooxo ka careysan Xukun dil ah oo ay riday maxkamada racfaanka ee...

Kooxo ka careysan Xukun dil ah oo ay riday maxkamada racfaanka ee Ciiidamada qalabka sida oo Muqdisho ku banaanbaxay

Waxaa  dibadbax ballaaraan kana dhan ah Madaxweyne Farmaaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ka dhacay  magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-mukarrama.

Dibadbaxayaashan ayaa xiray inta u dhaxeysa Isgoysyada Zoobe iyo Banaadir, waxaana ay kasoo horjeedaan xukun dil ah oo maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riddey askarigii diley wasiir Siraaji.

Waxay dadka ku hadaaqayaan erayo ay kamid yihiin “Ha dhacaan Farmaajo iyo Kheyre”

Waxay sheegayaan dadkaan in askarigan si qaldan loo xukumay oo ehelka wasiirka iyo sidoo kale ehelka askariga wax diley ay is fahmeen, ayna kala qaadanayaan diyo.

anaanbaxayaasha ayaa Socod ka soo bilaabay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaald muqdisho,iyaga oo dadka iyo Gaadiidka u diidayay in ay Wadada isticmaalan,

Banaanbaxayaasha ayaa Taayaro  ku gubayay Wadada dhexdeeda,waxana ugu dambeyn y soo gaareen Wadada Maka-Almukarama,iyaga oo sidoo kale mudo Daqiiqado ah Wadada xiray silamid ah tii Warshadaha.

 

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.