Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka Kumaandooska Danab ay ka sameyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaanka Yaaq dabey oo ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose.
Taliyaha Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay halkaasi ku bur buriyeen fariisimihii kooxda ku lahaayeen deegaanka Yaaq dabayl ee gobolka jubadda hoose.
“Ciidanka kumaandooska danab gaar ahaan Ururka 5-aad ayaa howlgallo sifayn ah kawada gobolka Jubadda hoose , howlgaladdas waxaa dhulka howdka ah looga saarayo khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa si looga hortago dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka soomaaliyeed” ayuu yiri Taliye Carab Dheeg Axmed.
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Al-shabaab ee lagu doonayo in guud ahaan dalka looga saaro Ururka Al-shabaab.