Home Afsomali Ku dhowaad 50 qof oo ilaa saaka lagu laayey duqeymaha ka socda...

Ku dhowaad 50 qof oo ilaa saaka lagu laayey duqeymaha ka socda Gaza

 

 

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen duqaymaha Israa’iil ay ka geysatay saaka  magaalada Gaza sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.

Mar sii horreysay, wasaaraddu waxay sheegtay in 14 qof la dilay, waxaana saacadba saacada ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka

Dr. Ashraf Al-Qudra oo ka tirsan dhaqaatiirta Gaza ayaa sheegay in dadka la dilay ay u badnaayeen haween iyo caruur.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ay maamusho Xamaas ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israa’iil ay dib u bilaabeen guud ahaan Gaza subaxnimadii Jimcaha kadib markii la soo afjaray xabbad joojintii ku meel gaarka ahayd.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ay maamusho ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo beesha caalamka mas’uuliyadda dagaalka dib uga soo cusboonaaday Gaza ka dib markii xabad joojin muddo todobaad ah u dhaxeysay Israel iyo Xamaas ay burburtay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Maraykanka iyo beesha caalamku ay mas’uul ka yihiin dembiyada qabsashada ‘Israa’iil’ iyo sii socoshada dagaalka bahalnimo ee ka dhanka ah rayidka, carruurta iyo haweenka marinka Gaza.

Warku waxa uu intaa ku daray in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin in ay isdifaacaan si walba oo ay u dhistaan ​​dawlad falastiiniyiin ah oo caasimaddeedu tahay Qudus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.