Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga Magaalada Narobi ee caasimadda dalka Kenya ayaaoo jimco ah waxa uu kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jiro Barlamaanka Dalkaasi Kenya
Ra,isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dalka iyo sidoo kale danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dalka.
Xubnaha uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo madax ka ah xaafada Islii oo ay Soomaali badan degantahay isla markaana ay ganacsiyo waa weyn ku leeyihiin.
Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ee uu ka helay Madaxweyne Uhuro Kenyatta ku jooga dalka Kenya ayaa hore waxa uu kulamo kala duwa kula qaatay madaxda dalkaasi,ganacsatada Soomaaliya iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya waxaana uu dhamaan kala hadlay xoojinta xiriirka ay leeyihiin labada iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo amaanka.