Home Afsomali Kulan balaaran oo lagu teegeerayey Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa lagu qabtay...

Kulan balaaran oo lagu teegeerayey Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin waxgaad nabadoono dhalinyaro haween iyo bwaxgarad la soo jeedo gobolada dhexe  ayaa lagu qabtay Capital hall ee magaalagaalada Muqdisho.

Kualanka oo ahaa mid si weyn taageero loogu miuujinayey hadalkii Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax  ee kursiga uu ku siiyey xildhibaan caasha xaaji Cilmi
Shirka ayaa ahaa mid taageero iyo hiil loogu muujinayey xildhibaan caasha xaahi cilmi oo dhawaan ka soo laabatay magaakada cadaado .
Dhaqankii iyo waxgaeadka gaabane oo ka tirsan beesha saleebaan habar gidir madasha kabahdashay ayaa dhamaan ka soo horjeestay in kursiga laga wareejiyo caasha waxayna canbaareeyeen isku deygii lagu doonayey falkaas oo ay ku tilmaameen mid fool xun
Boqor bashiir maxamed ereg ayaa dalbaday in dhamaan beesha gaabane ay caasha xaaji cilmisiyaan taageero dhankasta ah
Boqorka ayaa goobta ka heediyey qudbad dhunacyo badan taabaneysa isaga oo hoosta ka xariiqay in cadaado uu ka dhacay musuqbmaasuq iyowax is daba narin

Mas’uuilyiintii ka hadlay kulanka, waxaa ka mid ahaa; Bashiir Max’ed Aadan, Cabdulaahi Cilmi Xuseen, C/kariin Axmed Maxamuud, Saciid Siyaad Shirwac, Xaawo Xuseen Cilmi, Caasho Xaaji Cilmi, Cabdi Maxamed Axmed-Nuur iyo Nabad-doon Maxamed C/qaadir Geelle.

“Waxaanu kalan la yeelanay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo nagu yiri; Kugsiga Gabadha Beesha Saleebaan Gacanteyda ayuu ku jiraa, Aniga ayaana ka gaaraya go’aan,” ayuu kulankaan ka yiri Bashiir Maxamed Aadan oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulankaas.

Sidoo kale, Bashiir ayaa sheegay in Guuleed uu ka dhego-adaygay in Caasho Xaaji Cilmi la siiyo, Markii cid walba ay arintan kala hadashay, isagoo ku baaqay in Beesha Caalamka, Soomaalida oo dhan iyo ciddii wax-garata inay taaageero siiyaan gabadha.

Danka kale, Waxaa Kulankan ka hadashay Caasho Xaaji Cilmi oo sheegtay in Caddaalad-darrada ku dhacday ay dad badan ku dhacday, oo aysan keligeed ahayn. Waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la fahmo in mas’uuliyiiinta Galmudug iyo Guddiga Doorashada ay yihiin kuwo kala gadan.

“Innagu, Waxaan haysannay Taageerada Shacabka Deegaannada Galmudug, laakiin haddii aan haysan lahayn Taageerada dadka dhibaatadaan nagu dhacday kama aanan soo kacneen. Waayo dadka cadowga ah ee Doorashada innaga Hor-joogsaday Dhibaato intaas ka badan ayay noo geysan lahaayeen haddii aanan taageerada bulshada haysan,” ayay hadalkeeda ku dartay Caasho X. Cilmi, iyadoo xustay in si wanaagsan loo qadariyay intii ay ku sugunayd Cadaado.

Dhanka kale, Caasho Xaaji ayaa sheegtay in ay ka sugayso Guddiga Xallinta Khliaafaadka ee Doorashooyinka Dadban oo ah Maxkamaddii ugu sarreysay in ay Cadaalad-darradii ka dhacday Cadaado ka cadaalad falaan, Waanan Rajeynayaa inay cadaaladda marin doonaan arrintaan.

“Anigu ma doonayo inaan ku fariisto kursi dhiig leh, ALLE ayaana ka magan-galay inaan ku fariisto. Maanta in doorasho laga hadlo macno weyn ayay ii sameynaysaa, mana aqbali doonno in dad gaar ah ay dantooda ku furshadaan danahooda gaarka ah,” ayay hadalkeeda ku dartay Caasho Xaaji Cilmi.

Ugu dameyntii, Caasho Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in dhawr iyo toban Doorasho ay Goob-jooge ka ahayd, Innaguna waxaana diirada saaraynay mar walba in doorashooyinku ay ku dhacdo si Cadaalad ah oo aanay ku jirin Nin jecelaysi iyo eex.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.