Home Afsomali Kulan deg deg ah jawaabna u ahaa Hadalada gefka iyo deel qaafka...

Kulan deg deg ah jawaabna u ahaa Hadalada gefka iyo deel qaafka ku ah madaxda dal  ee   ka soo yeeray buur madow oo ka dhacay magaalada Muqdisho. (DDAWO SAWIRADA )

Kulan deg deg ah jawaabna u ahaa hadalo Hadalada gefka iyo deel qaafka ku ah madaxda dal  ee   ka soo yeeray buur madow oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulan oo ahaa mid lagu taageerayo Dadaaladda Raiisul wasaare Rooble
ayaa waxaa ka soo qeybgalay raiisal wasaare ku xigeenka xukuumada  madaxda dhaqanka gobolada waqooyi siyaasiyiin caaqilo suldaano madax ka tirsan dowlda fadaraalka saraakiil aqoon yahano iyo masuuliyiin iyo marti sharaf kale .

Kulanka oo ay hadalo kala duwan ka jeediyeen masuuliyintii shirka ka qeyb gashay ayaa edeymo kala duwan u jeediyey waxayna ku tilmaameen fidna abuur .
Waxaa sidoo kale loogu mahadceliyey shirka intii uu socday raiisal wasaare xigeen mahdi Maxamed guuleyd qadar

Buur madow ayaa lagu sifeeyey Nin soo gal ragged leh oo sii bax dumar leh
Waxaa lagu yiri shirka 8ntii uu socday Uma durin raali kama nihin  masuulna nagama aha ninkii yiraahdo b doorasho galimeyno waa danbiile.
Ee doorashada hoo madax baneeyo rooble  buurmadow iyo inta la socoto ha iska baxeen hadey sidaa go.aansadeen
Caaqil Axmed ismaaciil ducaale

Cabdi jaamac Raali galin gafkii lagula kacay raisal wasaare rooble wuxuuna xusay in buur madow somaliland fakad ka yahay doorashada reer waqooyigana aan la joojineyn
Kursiga waxaa soo weeraray niman sharwadayaal ah aan reer somaliland matali karin
Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa madaxdii dhaqanka ee madasha ka hadashay ayaa eedeymaha dowlada ay u jeediyeen ku tilmaamay wax ba kama jiraan isaga oo xusay in buur madow iyo mareeye ay Muqdisho ka wadaan dhibaatooyin ay u geysanayaan guud ahaa somaliweyn gaar ahaana somaliland .
Boqor Maxamed jaamac ayaa raiisal wasaare rooble ka raali galiyey hadal ka soo yeeray dad aan masuuliyiin ahayn.

Intii kulanku socday ayaa eedeymo loo jeediyey Sanator Cabdi Xaashi maareeye iyo buur madow looguna wanqalay Magafayaasha doorashooyinka.

Heshiis kasta oo buur madow ku lug leeyahay waa baadil aan waxba ka jirin hadalkiisiina masuuliyiintii madashada ka hadashay ayaa raali galin buuxda ka bixiyey.

Sanator hore ayuub yuusuf ismaaciil raiisal wasaare rooble u jeediyey hadalo u badnaa raali galin iyo qiimeyn wuxuuna masuuliyiinta dalka ugu baaqay in ay dar dar galiyaan horay u socoshada doorashooyonka dalka .
Wasiir saalax oo ka mid ahaa masuuliyiintii nadashasha ka hadlay ayaa sheegay in sheekaga hada socoto ay soo xasuusisay sheekadii dugsiyada lagu dhigi jiray ee Cali Beenaale wuxuuna ka qeybgalayaasha weydiistay in ay dhamaan rali galin ka bixiyaan hadalkii gefka ahaa ee buur madow maareeyey iyo Cabdi Xaashi taasi oo ay ogolaadeen  ka soo qeybgalayaasha shirku  .

Wasiir hagaa ayaa tilmaamay in uu raali galinta la qabo masuuliyiintii kale ee madasha ka hadashay.

Cabdalle Xaaji Axmed ayaa xusay in buur madow iyo aqyaarta la socdo ay sameeyeen gardaro aan geed loogu soo gaban wuxuuna ugu baaqay in ay cudur daar iyo raali galin  ka bixiyaan gefkii ka soo yeeray wuxuuna soo dhaweeyey qaabka daaha furnaanta ah ee ay doorashadu u socoto .

Raiisal wasaare hore Ridwaan Maxamed xersi oo ka mid ah bulshada reer somaliland ee Muqdisho ku sugan isla markaa a ku hadlayey magaca Madaxda Midowga musharaxiinta  ayaa xusan in dhibaatooyin Muqdisho ka dhaceen loogana gudbi karo oo kaliye ee dalku doorasho galo waqtigii loogu talagalayna lagu soo gabagabeeyo khilaafkana laga gudbo .

Mahdi Maxamed guuleyd qadar oo munaasibada munaasibada shirka ay isu yimaadeen xubnaha gobolada waqooyi soo gabagabeeyey ayaa ku biiriyey raali galinta hadalkii ka soo yeeray Cabdi xaashi iyo buur madow rooblow xaal qaado habar girey xaal xaado waxay ku kaceen waa wax aan ogaadeen ku kicin

( malaha afkaa ka  away )

Mahdi Maxamed guuleyd Qader ayaa sheegay inay dhigi doonaan gogol ay ku xaal-mari doonaan beesha Ra’iisul Wasaaraha, “Dhaqanka aad ayaan u naqaan, wixii maantana dhaqan fiican ma aheyn

Mahdi Guuleed” wixii guriga Abdi Xaashi ka dhacay dhaqan Ogadeen maaheyn Habar Gidir  xaal qaata anaga dhaqanka si wacan ugaraneno.

Mahdi Guuleed ayaa yidhi “Raysalwasaare Rooble iyo Beesha uu ka dhashay ee Habargidir waxa ay naga mudan yihiin ammaan iyo boggaadin, waxaana diyaar u nahay in aan xaalmarin siino”.

Arimaha doorashooyinka ayuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kuraasta aqalka sare ee lagu tartamayey qaabkii ay uga soo shaqeeyeen
Mahdi wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in isaga iyo Cabdi Xaashi midkoodna uusan ku jirin liiska dadka masuulka ka ah arimaha doorashooyinka xaalbaan ka bixineynaa hadalkooda waxaana leenahay rooblow xaal qaado waxaan ku baaqayaa in la badbaadiyo horey u socod doorasho ahaa dib u dhac maya.

Gudiyada doorashooyinka ayuu faray in ay doorasgadu sacoto
Dadku waa doorasho dooN  doorasho did maaha.

somalisan@gmail.com

00252615576666

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.