Home Afsomali Kuuriyada Koonfureed oo kordhisay xayiraadda socdaal ee Lix dal oo Soomaaliya ku...

Kuuriyada Koonfureed oo kordhisay xayiraadda socdaal ee Lix dal oo Soomaaliya ku jirto

Kuuriyada Koonfureed ayaa kordhin doonta xayiraadda socdaalka ee lix waddan oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Filibiin lix bilood sababtoo ah khataro amni oo daba dheeraaday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay Jimcihi Mamnuucidda loo qorsheeyay in uu  dhacdo Jan. 31.

Dalalka xayiraada lagu soo rogay waxaa ku jirta Soomaaliya waxaana sidoo kale ka mid ah  Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Afgaanistaan iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin  Jasiiradda Zamboanga, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda dalalka  la magacaabay ayaa waxaa soo food saaray khataro joogto ah oo ah weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ay u badan tahay inay sii jiri doonaan muddo dheer.

U safrida Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ayaa la mamnuucay tan iyo 2007. Seoul ayaa mamnuucday Yemen 2011, Liibiya 2014 iyo jasiiradaha Filibiin 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.