Home Afsomali la kulmida Raiisall wasaare rooble oo laga dhigay 300$

la kulmida Raiisall wasaare rooble oo laga dhigay 300$

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa safaf dheer ugu jira sidii ay ula kulmi lahaayeen Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si ay ugala hadlaan arimo inta badan iyaga u gaar ah.

Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa laga dareemayaa mashquul badan, waxaana maalin kasta taga Masuuliyiin xilal haya, siyaasiyiiin iyo dad kale oo doonaya in ay la kulmaan Ra’isul Wasaaraha cusub.

Qaar kamid ah Pratacolka Ra’isul Wasaare Rooble ayaa la sheegay in lacago ka qaadaan dadka doonaya in ay la kulmaan Ra’isul Wasaaraha si loogu fududeeyo la kulankiisa oo safaf dheer loogu jiro.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa qoraan uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Rooble noqday Ra’isul Wasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya oo aragtidiisa lagu dhiibayo.

Waxa uu sheegay Cosoble in waxa ka socda xafiiska Ra’isul Wasaaraha uu maleenayo in uusan la socon Rooble, waxa uuna xusay in labo kamid ah raga Pratacolka u qaabilsan siyaabo kala duwan u weediiyeen lacag gaareysa 300-dollar si ay ula kulansiiyaan .

Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah ayuu yiri” Cosoble.

 

”Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah. Waan hubaa inuusan Rooble waxba ka ogeyn arrinkaa, balse waa arrin aan aad uga xumaaday, sida keliya ee aan Raiisulwasaaraha ku ogeysiin karo isbaarada xafiiskiisa taalana waa facebook.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Qoraalkan uu soo dhigay Cali Cabdullaahi Cosoble oo markii dambe uu ka saaray bartiisa Facebooka ayaan jirin wax jawaab ah oo ka bixiyay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.