Home Afsomali Laaluush qaatayaal howl fududeeyaal wax is dabamarin caadeystay oo la qabqabtay

Laaluush qaatayaal howl fududeeyaal wax is dabamarin caadeystay oo la qabqabtay

War saxaafadeed.Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa kaddib howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyey garoonka Aadan Cadde ee magadaalada Muqdisho waxa uu gacanta ku dhigay Shan Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsataya dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha.

Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo katirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.