Home Afsomali laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay khamri farabadan

laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay khamri farabadan

 

Howlgal lagu xaqiijinayay amniga ayaa Ciidamada booliska Degmada Caabudwaaq ka sameeyeen Xaafado katirsan degmadaas, iyaga oo kusoo qabtay khamri farabadan oo laga Ganacsanayay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in mid kamid ah Guryaha kuyaalla Xaafada Kowda luulyo ee degmada Cabudwaaq ay kasoo saareen 15 kartoon oo khamri ah una dhiganta 360 dhalo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in khamrigaan la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka kale ee Galmudug , hayeeshee markii ay ka warheleen ay fashiliyeen.

Degmada Cabduwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo kala duwan kadib markii ay kusoo kordheyn falal Amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.