Home Afsomali Labo Bangi Oo Markii Ugu Horreysay Somalia Ka Hawlgali Doona Tan Iyo...

Labo Bangi Oo Markii Ugu Horreysay Somalia Ka Hawlgali Doona Tan Iyo Bur-Burkii Dowladdii Dhexe

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay shatiyo ganacsi siisay laba bangi oo laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, kuwaas oo lagu kala magcaabo Banque Misr iyo Ziraat Katilim.

Warsaxaafadeed ka soo baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rusad siinta labadan bangi in lagu ansixiyey shir ay yeesheen guddida sare ee maamusha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulan yeeshay maalinimadii Sabtidii ee Shalay.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in guddida maamulka ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya inay shati ama license siiyaan labadan bangi, isagoo sheegay inay wax badan ku soo kordhin karaan hannaanka maaliyadda iyo koboca guud ee dhaqaalaha dalka.

Baananka Banque Misr iyo Ziraat Katilim ayaa noqonaya labadii bangi ee ugu horreeyey ee caalami ah ee la siiyo ruqsad ay kaga hawlgalaan Soomaaliya, iyada oo bilihii u dambeeyeyba ay dedaal ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ruqsad ay kaga shaqeeyaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.