Home Afsomali Baarlamaanka Puntland oo diiday ansixinta mas’uuliyiin uu Magacaabay Madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland oo diiday ansixinta mas’uuliyiin uu Magacaabay Madaxweyne Deni

Xildhibaannada Golaha Wakiiladda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay kulan aan caadi aheyn ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe, iyada oo la horgeeyay Xubnihii Magacaawnaa ee Maxkamada Sare ee Puntland.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdisamad Maxamed Abwaan ayaa waxaa gooobjoog ka ahaa 43 Xildhibaan, waxaana ajandaha uu ahaa Ansixinta xubnaha uu Madaxweyne Deni u magacaabay  Maxkamadda sare ee Puntland, iyaga oo Xildhibaannada ay didieen inay ansixiyaan.

Xubnaha Maxkamadda Sare waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan,  11 mudane ayaa diiday halka ay ka aamuseen  9  Xildhibaan, waxayna Xubnaha Magacaaban ee Maxkamadda Sare ee Puntland  codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 xubnood markii ay Oggol ugu codeeyaan.

Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee Maamulka Puntland ayaa sidaas ku waayay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada Puntland, waxaana la filayaa in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu dhawaan isbedel  ku sameeyo.

Previous articleLabo Bangi Oo Markii Ugu Horreysay Somalia Ka Hawlgali Doona Tan Iyo Bur-Burkii Dowladdii Dhexe
Next articleMadaxweynaha Puntland oo dib u Magacaabay Xubnihii Maxkamadda Sare ee la diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.