Liiska Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle oo lasoo saaray (Akhriso)
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayaa goordhaw soo saaray Liiska Musharixiinta ku tartamaya 8 kursi oo Dowladdda Hirshabeelle ku leedahay Aqalka Sare.
Madaxweynaha Hirshabelle liiskan uu soo saaray ayaa ah kuwa ugu badan ee u tartamaya doorashada Aqalka Sare, waxaana 8-da Kursi ee Hirshabelle ku leedahay Aqalka Sare u tartamaya ilaa 30-Musharax.