Maamul Goboleedka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Wasaaradda Warfaafinta kusoo bandhigtay munaasad ka dhacday Xarunta wasaarada warfaafinta Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamul Goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa sheegay in Xeerka Saxaafadda ee uu saxiixay Madaxweynaha uusan waxba kala socon Maamulka Puntland,isla markaana aan lagala tashan.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Soomaalida ayaa waxaa uu sheegay in Xeerka Saxaafadda ay ku jiraan qodobo badan oo ay diideen Urrurada iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed,isa markaana uusan ka Shaqeyn doonin degaannada Puntland.
Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa Baarlamanka labada Aqal ay ansixiyeen Xeerka Saxaafadda, waxaana Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen qaar kamid ah qodobada ku jira Xeerka, iyaga oo Madaxweynaha ka socdsaday in waxka bedel lagu sameeyo, hayeeshee aysan suurtagelin