Home Afsomali Maamulka dowlad degaanka oo loo tababaray Ciidamo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab

Maamulka dowlad degaanka oo loo tababaray Ciidamo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab

Taliska Ciidamada booliska ismaamulka Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta tababar u soo xiray dufcadii 26-aad oo booliska deegaanka Soomaalidu u tababaray.

Ciidamadaan ayaa tababarka waxaa ay ku qaadanayeen xarunta tababarada ciidamada gaarka ah ee degmada Birkot ee deegaanka Soomaalida , waxaana loo qorsheeyay inay kamid noqdaan ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka xafiiska madaxweynaha deegaanka Soomaalida Dr xusseen Xaashi Qaasim, Wasiirka xafiiska nabadda iyo amniga ee ismaamulka magaalada Addis Ababa Dr Qanca Yadeta koomishineerka koomishinka Booliska deegaanka Soomaalida Maxamed Xasan, koomishineerka koomishinka Booliska Addis Ababa koomishineer Jeneraal Getu Araga.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ismaamulka Magaalada Addis Ababa ayaa kula dardaarmay Ciidamada tababarka loo soo xiray inay waajibaadkooda Shaqo si wanaagsan u gutaan, isla markaana amniga siweyn u adkeeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.