Home Afsomali Maamulka Puntland oo diidan  wadahadalka Somaliland & Somalia uga socda Jabuuti

Maamulka Puntland oo diidan  wadahadalka Somaliland & Somalia uga socda Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka soo horjeestay wadahadal dalka Jabuuti ugu furmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud  hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi.

“Waan dhaliileynaa waana cambaareyneynaa Shirka Jabuuti ka socda, garna ma aha in iyadoo Puntland ka maqan tahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa ” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad uu ku shaacinayay inuu yahay musharax mar kale u taagan qabashada xilka madaxtinimada Puntland oo ka dhacday Garowe.

Wadahadalka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta galay maalintii labaad ayaa waxaa gar wadeen ka ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, lamana filayo iney ka soo baxaan natiijooyin waaweyn oo taabanaya midnimada Somalia iyo gooni isku taaga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.