Home Afsomali Maamulka Puntland oo ku baxay laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

Maamulka Puntland oo ku baxay laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug  ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa safar Shaqo ku gaaray degaanka Bali-busle oo ay ka taagnayd Xiisad la xiriirtay isku qabasho qodaalka Ceel Biyood ku yaalay Deegaankasi oo abuurtay xiisad kadibna sababtay inay halkaas isku aruursadaan maleeshiyo beeleedyo.

Degaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, kaas oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Safarka Guddoomiyaha Waxaa ku wehlinayey Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug, Gudoomiyayaasha Degmooyinka Xarfo iyo Buurtinle iyo Nabadoono.

Shirar Saacada qaatay kadib Gudoomiyaha ayaa ku guulaystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleedyo asbuuc halkaa isku horfadhiyey iyadoona la xaliyey dhamaan waxii la isku haystay dibna looga balamay in fadhi labaad laga yeesho.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug  ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay xabad-joojinta dhaqan geliyaan, isla markaana nabadda ay muhiim u tahay Bulshada walaalaha ah ee kunool degaanka lagu dagaalamay.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku batay dilalka aanooyinka qabiilka ah iyo dagaal Beeleedyada, waxaana inta badan ku baxa Maamulada degmooyinka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.