Dhalinyaro laga musaafuriyey somaliland ayaa gaaraya Ilaa 19 dhalinyaro ah waxaana la saaray diyaaradqaas ah oo ku soocotay magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug waxaana last geeyey oo ay ma baxeen garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa oo mudo 9 sanadood ah Ku xiraayeen xabsiyo Ku Kala yaal jasiirada shiisalis iyo hargeysa .
Maxaabiistaan oo xabsiga hargeysa lagu wareejiyey isla markaana what 20 ayaa mid laga reebay waxaana 19kii kale la sheegay in lagu sii daayey cafis Madaxweyne
Maamulka somaliland ayaa Ku amray dhalinyaradaan in ay deg deg uga baxaan somaliland isla markaana ay aadaan wadankooodii waa sida ay hadalka u dhigeene
Dowlada soomaaliya ayaan weli ka hadlin habdhaqanka iyo cunsuriyada lagula dhaqmay dhalinyaradaan oo markoodii horey Ku eedeysnaa burcadbadeednimo iyo falal Amiga lidi Ku ah
Lama oga maxbuuska xabsiga hargeysa Ku harsan xaaladiisu sida ay tahay iyo waxa laga damacsan yahay.
Dhanka kale 5 maxbuus oo ku jira xabsiyada Somaliland oo la xiray Xiligii uu madaxweynaha daahir riyaale kaahin ka ahaa naamulkaas lagu helay falalka kala dhacay boorame iyo barbera isla markaana mudo horey odoyaasha dhaqanka ee beelaha hawiye codsadeen in la cafiyo ayaa layaa diiday kuwaas oo Ku eedeysan falal amni