Home Afsomali Taliye ku xigeenkii ciidanka badda oo toogasho ku dilay taliyihiisii gudaha dakada...

Taliye ku xigeenkii ciidanka badda oo toogasho ku dilay taliyihiisii gudaha dakada weyn

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa maanta dekadda Muqdisho ku dhexdilay Taliyhiisa oo lagu magacaabayay janaraal  Saciid Mariino oo ka tursanaa ciida badda ee somaliaya.

Taliyaha la dilay ayaa sarkaalka dilay waxaa uu ahaa ku xigeenkiisa waxaana uu dilka ka dhacay xafiis ay ku dhex leeyihiin Dekadda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha la dilay iyo sarkaalka ayaa waxaa ay ku murmeen lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Dekadda Muqdisho,iyada oo murankooda uu sababay in ku xigeenka Taliyaha uu rasaas la dhoco taliyaha sidaasna ku dhinto.

Ciidanka amaanka Dekadda Muqdisho ayaa xiray taliye ku xigeenka dilka u geystay Taliyihiisa,waxaana uu hadda ku jiraa Xabsiga Muqdisho.

Ma jirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen saraakiisha dowlada falkaas.

Previous articleKoox garuumo ku hubeysan oo wariye ku garaacay magaalada Muqdisho
Next articleShirka Dhameystirka Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusunna Oo Dhuusamareeb Ka Furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.