Home Afsomali Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe Bal inaad halyey leedihiin,...

Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe Bal inaad halyey leedihiin, la hubsan dooneeye

 ( )
Gabaygan hoos ku qoran qof war buuxa naga siiya ama dhammaystira lama helin, wuxuu u eg yahay inuu Sayid Maxamed diray nin Darwiish ah oo la oron jiray Cigayoon, si uu uga war keena gaalo iyo waxay maaggan tahay.
Gabaygan oo guubaabo. Dhiirragelin, iyo tilmaanba ah ayuu Sayidku mariyay, Darwiishkuna markuu soo noqday gabay buu ku warramay. Waxaa ayaandarro noqotay in labada gabayba aan la helin wax inta qoran dhaafiya, wuxuuna Sayidku yiri:
Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe
Bal inaad halyey leedihiin, la hubsan dooneeye
Heelkaa horeetana Ilaah, hogol ha ka siiyo
Geelkii Hargeysaad baruur, ka hirqan doontaaye
Iiddoor hanfade weeyaane, oo kuma hadaayaane
Hannaad baa Ilaahay ka dhigay, hoos u farara e
Meeshay ku haasaawayeen, horay u sii joogso
Haylihii xumaa iyo, bustihii habacsanaa qaado
Hana hagoogan waa tuhun, dharkaad hab isku siisaaye
Darwiishkuna markuu soo noqday isagoo Sayidka u warramaaya wuxuu yiri:
Sayidii geddoodii la baray gaala qurunleeye
Soo guure oo waxay degeen Dabagallooleeye1
Wuxuu gaashka dhow damacsanaa Gobolkii2 dheeraaye
Waagoo guduutay alaab gibila qaataan e
Gubniyuu u kala joojiyaa gegi habaas weyne
“Goo” iyo wuxuu Raydh lahaa waanan garaneyne
Gudub bay u fuulaan fardaha gaban sidiisiiye
Sayiddii darmaan gaaxsanaa gaari mahayaane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.