fanaanka salaad Maxamed Shardi Salaad darbi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho
waxaana ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa xubno ay ka mid ahaayeen fanaaniinta hobolada waaberi Awaano kooxda cayaartooyda hidaha iyo dhaqanka masuuliyin ka socotay xafiiska raiisal wasaaha maareeyaha guud ee tiraatarka qaranka .
abwaan cusmaan cabdulaahi Guure oo ah maareeyahaya tiyaatarka oo ka hadlay madasha soo dhaweynta ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey
salaad maxamed Shardi ayaa sharaxay sida uu ugu faraxsan yahay soo laabashadiisa isaga oo u mahadceliyey dadkii ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa
waxaana ka sidoo kale munaasibada soo dhaweynta ka hadlay fanaaniin iyo abwaano kale