Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu u kala qeybsan yahay dhowr garab kuwaasi oo aan midkoodna midka kale aqoonsaneyn ,ma qada tashtaan isma oga isumana hiiliyaan ee wa ajaantaa rogan waxayna magac ahaan wadaagaan ururka saxafiyiinta saas iyo saas
Saxafiyiinta Xuquuqda Aadanaha (HRJ), Suxufiyiinta Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOWJOC), Warbaahinta Soomaaliyeed ee Deegaanka, Sayniska, Caafimaadka iyo Beeraha (SOMESHA) iyo Warbaahinta Nabadda mana jiraan waxay soo kordhiyaan marka laga reebo igu sawir iyo rajo wanaagsan oo ay u muujiyaan dhammaan xubno ka tirsan saxaafadda marka ay ka hadlayaan munaasabaddaha oo ay ku soo qaataan xoogaa dhiil ah .
Muqdisho oo kaliye waxaa ka jira ilaa Shan urur oo saxafadeed oo ka soo dhaxbaxay warbaahinta kuwaas oo indhaha caalamka isku tusa habka cadaadiska ah, mana sheegaan nidaamka wanaagsan ee dalka ka jira iyo hurumarka dowlada iyo degaanka waxaana hogaanka u haaya kuwo dano gaar ah ka leh oo aan ka xishoon nidaamka xag-jirka si ay u noqdaan kuwa awood leh oo wax dumin kara. waxay ku hayaan shir kasta oo ay ka hadlaan Dastuurka Soomaaliya wuxuu damaanad qaadayaa xorriyadda saxaafadda, laakiin jawiga la taaban karo wuxuu sheegaa sheeko kaladuwan.
waxay ku doodaan in ay ka soo horjeedaan aamusnaancaburinta saxafiga iyo jahwareer la soo darso xiliga uu dhacdada soo tabinaayo oo uu mararka qaarkood la kulmo . Musiibo iyo murugo balse taasi waa u dan iyo sidaan rabnay ayaa la yeelay oo waxay uka hormarayaan qoraalka ay u dirayaan hey,adaha ay beenta ka iibiyaan sida I.F.J iyo kuwa kale oo ka sii dadlaala dhiiga saxafiga soomaaliyeed waxay booqdaan oo ay isku soo sawiraan ay wax gaareen ama la xiro .waxay ku qoraan Emailada ay hayaan Afar saxafiyiin ayaa la dilay, dhowr qofna way dhaawacmeen, daraasiin ayaa la xidhay, wariyaal tiradoodana waxaa loo hanjabay oo waxay muhiim ah in dalka dibadiisa loo qado lana siiyo magangalyo siyaasadeed I.WL
dhanka kale saxafiyiinta soomaaliyeed ma helaan tababaro heer caalami ah dalkuna malaha kuliyada laga barto cilmiga saxaafada warbaahintu waxay ku adkaysatay inay kaalin muhiim ah ka qaadato qaabaynta bulshada Soomaaliyeed. ha Noqoyo telefishin , wargeysyada, website-yada ama raadiyaha, mana laha wax caymis oo ay warbaahinta xaq u leedahay urur kasta oo ka mid ah kuwa aan kor ku soo sheegay wuxuu diyaar u yahay burburinta danta saxafiga iyo walba iyo arrin kasta oo bulshada humarkeedu ku xiran yahay, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah xirfadaha ugu qararsan ee ay mari la,yihiin saxafiyiinta soomaaliyeed oo dhan. Laga soo bilaabo wargaysyada illaa raadiyaha iyo telefishanka, Soomaalidu waxay sii wadaan inay markhaati ka noqdaan in warbaahintu u burburtay dalku sida uu u burburey waana kuwa aan laheyn koboc dhaqaale iyo cid maalgashi ku sameysa
Nusoj, Hrj, Sowjoc Somesha iyo Warbaahinta loogu talagalay Nabadda waxay ugu yeerayaan xarumaha warbaahinta inay ka hortagaan si saxafiyiintu u gaaraan heerarka ugu sarreeya ee xirfadahooda hawshooda, waxayna dhiirigeliyaan saxafiyiin kasta inay noqdaan kuwa ka jawaab celiya, mas’uuliyad iyo madaxbanaan ay sheeganayaan aqyaarta ku xiran ururo dalka dibadiisa ka dhisan oo ku qaraabta magacooda .
Run ahaantii, anshaxa suxufiyiinta iyo madax-bannaanida tifaftirka oo qeexaya qaybo badan oo warbaahin ah ayaa si qalad ah uga horjoogsaday arrimo maalmeedyo, gaar ahaan ganacsiga warshadaha warbaahinta iyo wax ka qabashada awoodaha siyaasadeed. Qaar ka mid ah guryaha warbaahinta iyo tifaftireyaasha ayaa ku sifoobay wax is dabamarin waxayna ula dhaqmaan siyaabaha ay ula dhaqmayaan booliska Caalmaka dembiilayaasha.
madaxda ururadaan is magacaabay ayaa suxufiyiinta ugu baaqo in ay ka soo qeybgalaan shir walba si ay u noqotdaan warbaahin madax banaan oo ay Muqdisho Saxafiyiinta Soomaaliyeed waa in ay si xeel dheer ugu noolaadaan xudduudahooda iyaga oo u hadlaya dadka aan waxba galabsan, difaaci karin awooda, ku eedeynayaan dambiilaha, tuugada tuugada, wayna waydiiyaan su’aalo u baahan
Waa in aan ilaalinno oo kor u qaadno kalsoonida warbaahinta saxafiyiinta iyadoo lala dagaallamayo musuqa iyo wax is dabamarinta ay wadaan kuwa ku sifoobay ka ganacsiga dhiiga saxafiga soomaaliyeed oo aan wada garaneyno wajiga dhabta ah oo ay leeyihin,
.
.
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0