Home Afsomali Ethiopia oo u diiday saxafiyiinta in ay tabiyaan doorashada Tigrayga dalkaas...

Ethiopia oo u diiday saxafiyiinta in ay tabiyaan doorashada Tigrayga dalkaas !

Dowladda Itoobiya ayaa si xoog ah diyaarad uga reebtay Saxafiyiin ku sii jeeday magaalada Makele ee gobolka Tigreega Isniintii, si ay uga hortagto tabinta tooska ah doorashada muranka badan dhalisay ee saraakiisha amniga dalasi ay sharci darro ku tilmaameen.

 

Weriyeyaasha oo la socday diyaaradda Ethiopian Airlines kana duushay magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in laamaha amniga ay la wareegeen dukumiintiyadii iyo qalabkii aqoonsiga Saxafiyiinta ayna kareebeen rakaabkii kale ee diyaarada saarnaa.

 

Sida laga soo xigtay Ururka Weriyeyaasha Dibadda ee Itoobiya(Ethiopian Foreign Correspondents Association), oo ah xarun u ololeeya saxafiyiinta ajnebiga ah ee ku sugan magaalada Addis Ababa, xubno ka tirsan Sirdoonka iyo Nabadsugidda Itoobiya ayaa qaatay aqoonsiga Saxafiyiinta si ay uga hor istagaan in ay u duulaan gobolka Tigreega.

 

“Maamulka ayaa la wareegaan taleefoonada, laptop-yada, iyo kaararka aqoonsiga dhamaan rakaabka. Macluumaad aad u kooban ayaa la bixiyay sida lagu heli karo alaabtaan. Xubnaha bulshada rayidka ayaa sidoo kale laga horjoogsaday in ay raacaan diyaaradda, ”ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Ururka Saxafiyiinta.

Simon Marks, oo ah wariye u shaqeeya New York Times iyo Politico, ayaa sheegay in akoonadiisa baraha bulshada sidoo kale la baaray.

 

“Garoonka diyaaradaha Bole saaka subaxnimadii magaalada Addis Ababa, saddex weriye oo maxalli ah, aniga, iyo xubno kale oo ka mid ah dadweynihii duullimaadka ku tagayay Mekele ayaa laga horjoogsaday inay safraan ciidamada Sirdoonka iyo Amniga ee Qaranka. Telefoonada iyo laptop-yada ayaa lala wareegay, akoonadeena baraha bulshada ayaa la baaray, ”ayuu ku yiri Twitter-kiisa.

 

“Baasaboorkeyga, kaarka saxaafadda iyo kaarka aqoonsiga ee Itoobiyanka ah sidoo kale waa lala wareegay mana jirin wax macluumaad ah oo aan helnay oo ku saabsan sida loo helo midkoodna” ayuu yiri Saxafiga.

 

Toddobaadkii la soo dhaafey, Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya, oo dajisa xeerka warbaahinta dalkaas, ayaa la xiriirtay tiro saxafiyiin ajnabi ah waxa ayna uga digtay in ay tebiyaan doorashooyinka, “codsi ka yimid xafiiska ra’iisul wasaaraha.“

 

“Aqoonsiga saxaafadeed waa laga noqon karaa”, waa loo sheegay.

 

Gudiga Ilaalinta Suxufiyiinta (CPJ), oo ah hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka oo u ilaalisa xoriyadda saxaafadda, ayaa sheegtay in dhibaataynta saxafiyiinta ay sii kordhisay sii-qab-qabsiga joogtada ah ee Itoobiya iyaga oo intaas ku daray in 8 saxafi muddo laba bilood ah ku jiraan jeelka iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

 

“CPJ waxa ay ka walaacsan tahay warbixinadii ugu dambeysay ee ah in Itoobiya ay ku dhaqmayso qaababkii hore ee cabudhinta.”

 

Tigray, oo ka mid ah tobanka ismaamul ee ku dhisan qowmiyadaha, ayaa qorshaystay in ay qabsoonto doorashadeeda deegaanka Arbacadan in kasta oo dawlada federaalka ah, ee uu hogaamiyo raiisal wasaare Abiy Ahmed, ay dib u dhigtay doorashooyinka qaranka ilaa bisha Maarso ee sanadka soo socda Covid-19 awgeed.

 

Doorashooyinka waxaa horey loo qorsheeyay Ogosto 2020.

 

Inkasta oo baarlamaanka federaalka Itoobiya uu tilmaamay in doorashooyinka ka socda Tigray ay sharci darro noqon doonaan, haddana xukuumadda Tigray waxa ay sheegtay in isku day kasta oo looga hortago doorashada uu noqon doono “iclaamis dagaal.”

 

Doorashooyinku waxa ay ahaayeen kuwo aad u murugsan oo dadka aqoonta u leh qaarkood ay ku tilmaameen kuwa u ololaya dalka.

 

Gobolka, oo mar xubin adag ka ahaa isbahaysiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF, ayaa tan iyo markii ay is khilaafeen RW Abiy ka dib markii uu ku biiray xisbiyadii xubnaha ka ahaa EPRDF hal dhaqdhaqaaq oo loo yaqaan Xisbiga Barwaaqada.

 

Jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo maamusha gobolka, ayaa diiday in ay burburiso xisbigeeda oo ay ku biirto Xisbiga Barwaaqo sooranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.