Home Afsomali Fadeexad culus oo ka dhalatay hooyo Somaliyeed oo xaamilo aheyd oo...

Fadeexad culus oo ka dhalatay hooyo Somaliyeed oo xaamilo aheyd oo orod Heer Caalamiah ku matal ay tiri habar yarteed Somalia

Wararka qaar ayaa sheegaya in Nasro ay habaryar rasmi u tahay Gudoomiyaha xiriirka ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daahir, waxaana dhashay walaasheed Deeqo Aadan Daahir.

Fadeexad weyn iyo ceeb ayaa ka taagan gabar Somalia ku meteshay tartan orodo caalami ah oo ka socda dalka Shiinaha.

Nasra Abuukar Cali oo ku tartameysay orodka 100mitir ayaa weji gabax iyo fadeexad u soo hoysay Somalia ka dib markii ay noqotay qofka u dambeeya isla markii uu bilowday orodka

Inastoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee ciyaartoy Soomaali ah ay guuldaro ka keenaan tartamo caalami ah haddana guuldaran ayaa lagu tilmaamay iney tahay tii ugu xanuunka badneyd ee magac Soomaaliyeed lagu galo.

Caro xooggan iyo falcelin adag oo ka dhalatay guuldaradan yaabka leh ayaa qabsatay baraha bulshada, iyadoo arrintan ay noqotay fadeexad si weyn loo hadal hayo.

Gabadhan ayaa u muuqatay ineysan u diyaarsaneyn ka qeyb galka tartan orod noocan ah marka la eego haweenka ay la tartameysay oo si weyn uga dheereeyey, waxaana ka muuqatay culeys ka dhashay miisaankeeda oo culus iyo xirfad la’aan.

Dadka qaar ayaa eedeymo u jeedinayey gabadhan, halka kuwo kale ay sheegayaan in gabadha aysan dambi laheyn balse eedo oo dhan uu leeyahay xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud.

“Xariirka ciyaaraha fudud waa in lagula xisaab tamaa su’aalana laga weydiiyaa foolxumadii ay Somalia kala kulantay tartanka” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka falcelinayey dhacdadan.

Mid kale ayaa yiri “Gabadhu malahan eed, waxaa la xisaabtan u baahan kuwii iyadoo aan tababarneyn diray oo yiri Qarankaaga Ceeb ku soo matal.”

Wararka qaar ayaa sheegaya in Nasro ay habaryar rasmi u tahay Gudoomiyaha xiriirka ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daahir, waxaana dhashay walaasheed Deeqo Aadan Daahir.

“Musuqii Saamiyo looga reebay ciyaarihii Olympikadii london 2012 oo markii dambe niyad jab darteeda u tahriibtay kuna geeriyootay bada Talyaaniga. Ayaan weli wadnaa cashar weli lagama baran miyaa ??? Saamiya Cumar oo ciyaaraha Olympikada Ee China lagu qabtay 2008 wacdaro ka dhigtay ayaa laga reebay Ciyaarihii london . Weliba waxay mudo tababar ku qaadanaysay dalka Ethopia iyadoo markii dambe ka war heshay in labo ciyaartoy loo xushay iyadana laga tagay. Waxay ka tahriibtay ethopia niyad jab darteed kadibna waxay ku geeriyootay biyaha Talyaaniga 3 aprill 2012” ayuu yiri Salman Jamal Saciid oo ka tirsan bahda Warbaahinta.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.