Home Afsomali Duqa Muqdisho oo xilkii ka qaaday Gudoomiye Degmo, mid kalena ku bedelay

Duqa Muqdisho oo xilkii ka qaaday Gudoomiye Degmo, mid kalena ku bedelay

Duqa Muqdisho oo xilkii ka qaaday Gudoomiye Degmo, mid kalena ku bedelay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir Daahir Maxamed Raajis.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaale ayaa xilkii looga qaaday Daahir Maxamed Raajis oo muddo aan sidaa u badneyn xilkaas hayey sida ay www.somalisan.com  u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaale ayaa gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdqaadir Maxamed Siidii.

Lama oga sababta xilka looga qaaday gudoomiyihii degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir Daahir Maxamed Raajis iyo waxa kalifay isbedelkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.