Dooni Ganacsi oo ka soo shiraactay dakada magaalada dubai isla markaana sida bagaash iyo gaadiid kale una socotay dakada magaalada hobyo ayaa ku gubatay badweynta dhaxdeeda
Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12-kii bishan kasoo baxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, waxayna u socotay dekadda magaalada Hobyo ee Galmudug.
Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya una dhaxaysa yaman iyo Somaliya .
Doonidaan oo rareyd ganacsato somaliyeed si ay badeecado kala duwan uga soo dejistaan dakada hobyo ee gobolka mudug ayaa dab xoogan qabsaday kaasi oo sababbat in ay basbeesho .
Warkaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Abshir Cabdi Sheekhow oo ah wasirka warfaafinta dowlada galmudug isagoo sheegay in doontaasi siday badeecado kala duwan ayna ugu badnaayeen gaadiid ka yaryar ee raaxada
Wasiir Abshir ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan dabka qabsaday Doonta, balse waxba aysan ka badbaadin hantidii saarnayd.
Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontaasu gubato, waana la badbaadi waayey oo waxaa gubtay dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirtay bagaash iyo ku dhawaad 100 gaari.
Ganacsato badan oo degta Galmudug ayaa lahaa hantida gubatay, waxayna doonayeen in badeecada iyo gaadiidkaas ay kala soo degaan dekedda Hobyo oo hadda u shaqeysa si ku meel gaar ah.
Dekedda Hobyo ayaa la qorsheynayaa in dhawaan lagu bilaabo dhisme, waxaana dhawaan magaalada isugu tegay oo soo saxiixay madaxweynaha Galmudug iyo ganacsatada deegaanka, si bilowga sanadka cusub loo bilaabo dhismaha.