Home Afsomali Madaxtooyada oo beenisay in Dhalinyaradii tababarka Ciidan loo geeyay Eleteriya ka qayb-galeen...

Madaxtooyada oo beenisay in Dhalinyaradii tababarka Ciidan loo geeyay Eleteriya ka qayb-galeen dagaalladii Itoobiya

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa aad waalac looga muujinayay warar soo baxayay oo sheegayay in dhalinyaro farabadan oo dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tababarka ciidan ugu qaaday dalka Ereteriya ka qeyb galeen dagaalladii ka dhacday Itoobiya .

Hayeeshee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay beenisay in dhalinyarada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya inay ka qeyb galeen dagaalkii Itoobiya.

Waalidiin badan ayaa ka walaacsanaa in Carruurtooda tababarka ciiadn loogu qaaday ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay adlka itoobiya, waxaana guddi ka socda ay dhawaan la kulmeen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh maxamuud.

https://youtu.be/Xm4y6LPSV8U

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.