Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay xubno labada golle ee DFS, Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.