Home Afsomali Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Hay’adda IOM kala hadlay gurmadka Abaaraha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Hay’adda IOM kala hadlay gurmadka Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Gurmadka Deg dega ah ee Hay’adda IOM oo Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Abaaraha iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka Danyarta ah ee ku nool guud ahaan deegaannada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga maha celiyay wafdiga sida ay mar walba taageerada u siiyaan Shacabbka Soomaaliyeed, isl markaana Hay’adda IOM looga baahan yahay ka qeyb qaadashada gurmadka Abaaraha.

Madaxa Gurmadka Deg dega ah ee Hay’adda IOM ayaa dhankiisa sheegay inay dardar gelin doonaan howlaha loogu gurmanayo Shacabka Soomaaliyeed oo ay soo wadeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilligaan meelo badan oo kamid ah kajirta abaar daran oo saameysay dad iyo duunyo, iyada oo abaarta boqolaal qoys ay ka barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.