Madaxweynaha Puntland oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha DFS, iyo Madaxda
Maamullada Dalka
Madaxweynaha Maamul Goboleydka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku marti qaaday guriga madaxtooyada ee Maamulkaas Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowaddaha Xubnaha Ka ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale .
Munaasibadaan oo aheyd Casha sharfeed uu sameeyey Madaxweyne dani ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi,
saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland kuwo hore iyo kuwa haatan xilalka ka haaya , siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Munaasibadda casho sharafta ah ayaa ahayd mid lagu maamuusayey Madaxda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee
dowladda Puntland, munaasibaddan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa fanaaniin
caana oo qaaday heeso wadani ah iyo kuwo ay ugu talagaleem Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bulshda iyo Madaxda kasoo qayb galay casho sharafta u gacan qaaday mid mid waxaana uu ugu tegey shakhsi kasta goobta uu ka fadhiyo Madasha.