Home Afsomali Madaxweynaha  ruushka Putin oo ammar siiyay ciidamadaiisa ee ku sugan xadka Ukrine

Madaxweynaha  ruushka Putin oo ammar siiyay ciidamadaiisa ee ku sugan xadka Ukrine

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku amray ciidamada Ruushka ee ku sugan xadka dalka Ukrine in howlgal milatari oo nabad ilaalin ah ka fuliyaan labo gobol oo katirsan dalka Ukrine.

Putin ayaa amray ciidamada Ruushka in ay galaan ayna howlgal nabad ilaalin ah ka fuliyaan labada gobol Donetsk iyo Luhansk ee kuyaalla bariga dalka Ukrine, kuwaa uu u aqoonsan yahay dalal ka madax banaan Ukrine.

Dabaabaadka dagaalka Ruushka ayaa gudaha u galay labadan gobol oo horey uga jireen dagaalo u dhaxeeyay fallaago Ruushka taageero iyo ciidamada Ukrine , waxaana goboladan u dagaalamayaan madax banaani.

Madaxweynaha Ruushka ayaa howlgalka ciidamadiisa ka fulinayaa gobolada dhaca bariga dalka Ukrine ku wargeliyay Hoggaamiyaasha  Faransiiska iyo Jarmalka, waxa uuna Putin u sheegay hoggaamiyaashii in ay ka shaqeenayaan nabada gobolada ay galeen ciidankiisa.

Dhinaca kale Madaxwaynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad jeediyay xalay ayaa dhankisa ku tilmaamay tallaabada Ruushka ku xad-gudb sharafta iyo madax-banaanida dalkiisa.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa marar badan sheegay in ciidamada Ruushka weerar ku yihiin dalka Ukrine, waxaana laga cabsi qabaa in dalkaasi ka dhaco dagaal xooggan oo dhax mara ciidamada Ukrine iyo kuwa Ruushka ee weerarka ku qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.