Home Afsomali Madaxweynaha Ukraine oo ka digay talaabo halis ah oo Ruushku qorsheynayo

Madaxweynaha Ukraine oo ka digay talaabo halis ah oo Ruushku qorsheynayo

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in xogo sirdoon ah oo ay heleen basaasiinta dalkaas ay muujinayaan in Ruushka uu ka fikirayo in uu fal argagixiso ka sameeyo warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee la haysto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabaha ay qorsheyneyso Moscow ay kamid yihiin inay sii dayaan shucaaca nukliyeerka ee warshadaas oo halis gelin kara nolosha dadka iyo duunyada.

Waxa uu sheegay in faahfaahinta ay u gudbinayaan xulafada iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso.

Madaxa sirdoonka millatariga Ukraine ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay qodayaan balliga qaboojiya warshaddan nukiliyeerka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.