Home Afsomali Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore...

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq maanta geeriyootay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq maanta geeriyootay.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq.”
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.
DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.