Home Afsomali madaxweynaha xilkii laga qaaday ee gamudug ku xigeenkjiisii Gudoomiyaha baarlamaanka xilka laga...

madaxweynaha xilkii laga qaaday ee gamudug ku xigeenkjiisii Gudoomiyaha baarlamaanka xilka laga qaaday iyo ku xigheenkiisa oo inta khilaafsayaasaded uu ka dhaxeeyo xaaf ayaa gaaray Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Ku xigeenkiisa labaad Maxamed Sh Axmed Maalin oo dhamaantood uu qilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug ayaa gelinkii danbe ee maanta Soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan ayaa diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday magaalada Cadaado oo tan iyo markii uu soo ifbaxay qilaafka ka dhaxeeya hogaanka Galmuudg ay ku sugnaayeen.

Xubnahaan oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay  in uu u yeeray madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya balse aan wali loo sheegeen waxyaabaha lagala hadli doono.

Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka hadlay qilaafka todobaadyadii danbe ka dhax jiray madaxda Galmudug ayaa sheegay inay muhim yahay in la tixgeliyo sharciga iyo waxbaahaya ay ku heshiiyeen qabaa’ilada ku midoobay Galmudug.

Dhankiisa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo xoojiyay hadalka Gudoomiyaha Barlamanka ee ah in sharciga la ilaaliyo ayaa meesha ka saaray warka ah faragelin dowlada dhexe ay ku heyso arimaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.