Home Afsomali Madaxweyne Biixi oo kormeer ku tagay xarunta Taliska Sirdoonka Somaliland

Madaxweyne Biixi oo kormeer ku tagay xarunta Taliska Sirdoonka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan,

qarankana u haya shaqo muhiim ah.

Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.