Home Afsomali Madaxweyne Biixi oo Maamuusay Xildhibaan Given Williamson oo Olole u wada 

Madaxweyne Biixi oo Maamuusay Xildhibaan Given Williamson oo Olole u wada 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka , ayaa casho Sharaf qasriga madaxtooyadda ugu sameeyey xildhibaanadii uu hoggaaminayey MP. Given Williamson oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Somaliland.

Waxaana kulankaa casho sharafta ah madaxweynaha kala soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, Gudoomiyaha Guurtida, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadceliyay xildhibaan Given Williamson sida uu ugu ololeenayo aqoonsiga maamulka Somaliland, waxa uuna ka codsaday in halkiisa kasii wado ololahan aqoonsiga Somaliland loogu raadinayo.

Xildhibaankan ayaa ahaa ninkii hormuudka u ahaa Xildhibaano u dhashay Britain oo dhawwaan mooshin aqoonsi loogu raadinayo maamulka Somaliland horgeeyay baarlamaanka UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.